Somaliland oo sheegtay in toddobaadkan wadahadalkii u socday Soomaaliya ka furmayo Turkiga

Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ka warrantay wadahadalka Soomaaliya u socday oo toddobaadka soo socda dib uga bilaabmaya magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, halkaas oo dhinac waliba ajende la tagi doono.

WASIIR BIIXI

Wasiir Maxame Biixi oo ka hadlayay ugu horrayn shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo dib uga furmaya dalka Turkiga,ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

 “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha.”

Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in dalka Ingiriiska isaga iyo Wasiirka Ganacsigu ay kula kulmeen mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shiidaalku sidii ay u isticmaali lahayd marsadda Berbera, waxaanu yidhi

 “Waxaanu tagnay aniga iyo Wasiirka Ganacsigu Ingiriiska, waxaanu la shiraynay dad kala gedisan Shirkadda la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka, oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan  oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan  oo ay saliida qaydhiin  Itoobiya iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan. Waxaanan ku kalsoon nahay sidii shirkaasi aanu la yeelanay noogu qabsoomay.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.