Af-hayeenka Xisbiga Wadani ee Denmark oo Cambaareeyay dhacdooyinka argagaxa leh ee xukuumada Siilaanyo

Denmark-(Berberanews)-Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Dhacdooyinka Argagaxa Leh Ee Xukuumada Siilaanyo Ay Ku Waxyeelaynayso Shacabka Aan Hubaysnanyn Ee Dareen-kooda Ku Cabiraaya Mudaaharaadka Iyo Waliba Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Lagula Kacay Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Togdheer, Isla Markaana Ah Masuul Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani Mudane…… Mudane Guuleed Dahir Warsame.
Copenhagen
: Aniga oo ku Hadlaaya Dhamaan-ba Magac Xubnaha Xisbiga Wadani laantiisa Denmark, waxa aan si adag oo aan gabasho lahayn u  Cambaaraynaaya Dhacdooyinka Argagaxa Leh Ee Xukuumada Siilaanyo Ay Ku Waxyeelaynayso Shacabka Aan Hubaysnanyn Ee Dareen-kooda Ku Cabiraaya Mudaaharaadka Iyo Waliba Xadhiga Sharci darada Ah Ee Lagula Kacay Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Togdheer, Isla Markaana Ah Masuul Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani Mudane….Guuleed Dahir Samater. Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ahaan, waxaanu leenahay wax loo dulqaadan karaayo maaha Xadhiga iyo Xabada lala dhacaayo dadka shacabka ah iyo maatada, waxa Somaalidu ku maahmaahdaa (Tuba-Tu-Ku-ilow)…..Waxa daweynaha reer Somaliland wali dhegahooda ka sii guuxaaya qaabkii arxan darida ahaa ee loo laayey shacabkii reer Hargaysa ee ka mudaaharaadaayey Haraadka iyo biyo la’aantii ku habsatay, Shacabkii Reer Burco ee iyana xabada lala dhacay,  kii reer Odweyne. Maaha in Awooda iyo Habada Dawladnimo loo adeegsado qaabka sharciga iyo shareecada Islaamka midna aan waafaqsanayn. (Ninka Kibirku Shaan-shaan ka Riday waayo shaxartaan). Xagee lagu arkay nin wasiir ah oo leh muwaadinka aan ka maqlo dhaliil iyo ereyo aan dhegahaygu jeclaysan, isla halka uu joogo ku xidha….Guriga saqda-dhexe ee habeenkii ugu dhac oo sas iyo Argagax Caruurta iyo maatada ku fuliya. Waxa aanu Cod dheer ku leenahay kuna baaqaynaa in si deg-deg Xoriyadiisa loo siiyo loona soo daayo Mudane Guuleed Dahir Samater, isla markaana Xabad iyo Xadhiga laga daayo shacabka tabaalaysan ee cabanaaya. Ma haboona in dadka la gaadhsiiyo meel aan ha dhawto aan waxba laga qaban karin. (Haddii Doobe Buuxsamo in uu Daato Wow Halis).
o

 By: Osman Abdillahi Sool…..(Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark). Sooldhuub@hotmail.com