Baarlamaanka Puntland oo doortay Guddoomiye Cusub

Garoowe (berbernews):-Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Garoowe ku doortay Shirguddoonka hoggaamin doona Golohoodaas.
Gudoomiyaha_Barlamanka_Puntland_Siciid_Xasan_Shire
Waxay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland Guddoomiye u doorteen Xildhibaan Siciid Xasan Shire oo hore u ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Puntland, waxaana Guddoomiyaha la tartamay shan musharrax oo kale oo uu ka guulaystay.
 
Doorashada oo saddex wareeg ahayd, ayaa waxaa Xubnihii ku tartamay ay kala ahaayeen: Guddoomiyaha la doortay Siciid Xasan Shire, Cabdirshiid Maxamed Xirsi oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaankii hore ee Puntland Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Maxamed Cali Guuleed.
 
Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa musharrixiinta tartamayay waxay codka u kala heleen, C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Siciid Xasan Shire oo mid walba uu helay 17 cod. C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo helay 16 cod, Axmed Cali Xaashi oo helay sagaal cod iyo Maxamed Cali Guuleed oo helay lix cod, waxaana hallaabay hal cod.
 
Intaa ka dib waxaa la gudo-galay wareeggii labaad ee doorashada oo ay isugu soo hadheen: C/rashiid Maxamed Xirsi, Siciid Xasan Shire iyo Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo helay codadkii ugu badnaa ee wareeggii hore ee doorashada.
 
Wareeggii labaad ayaa waxay saddex musharrax ee tartamay kala heleen: C/rashiid Maxamed Xirsi iyo Siciid Xasan Shire oo midkiiba uu helay 23 cod iyo C/xakiin Maxamed Axmed oo helay 20-cod.
 
Labadii musharrax ee ugu codka badnaa wareeggii labaad oo kala ahaa: Siciid Xasan Shire iyo C/rashadii Maxamed Xirsi, ayaa wareeggii saddexaad ku tartamay, waxaana uu Siciid Maxamed Shire oo Guddoomiyaha loo doortay helay 40-cod, halka Guddoomiyihii hore ee la tartamay ee Cabdrashiid Maxamed Xirsi uu helay 26-cod.
 
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire oo hadal kooban ka jeediyay madasha lagu doortay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay, isla markaana uu si ay caddaalad iyo daacadnimo ku jirto u gudan doono waajibaadka shaqo ee loo doortay iyo hoggaaminta Golahaas. Waxaanu hambalyo u diray Mudanayaasha u codeeyey ee doortay, kuwa ka codeeyey iyo waliba Musharrixiinta la tartamay ee uu ka guulaystay.
 
Musharrixiinta la tartamay ee uu ka guulaystay Guddoomiyuhu, iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana waxay sheegeen inay hambalayeynayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland doortay oo ay sheegeen inuu ka guulaystay.
 
Waxa weli hadhsan oo la filayaa in maanta ahaan la doorto Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, kuwaasoo la sheegay in saacadaha soo socda ay Xildhibaannada Baarlamaanku dooran doonaan labadaas Guddoomiye ku-xigeen oo ay Musharrixiiin dhawr ahi u taagan yihiin jagooyinkooda.
Berberanews-Desk