DEG DEG: Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

MUQDisho (berbernews) Waxaa Daqiiqado ka hor qarax Xoogan oo nooca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay XaafadaCarafaad ee Degmada Yaqshiid iyadoona Faah faahino ay kasoo baxayaan cida lala eegtay.
download (1)
Goob joogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku waramay in lala eegtay Gaadhi tikniko ah ay wateen Ciidamo katirsan Dowlada Muqdisho oo xiliga uu qaraxu dhacayay marayay xaafada Carafaad.
Wararka aan hada heleyno ayaa sheegaya in gaadhiga lala eegtay qaraxa uu ka badbaaday balse dad rayid ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ay kasoo gaadheen waxyeelo kala duwan.
Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Dumar ah ayaa ku dhintay qaraxaasi tiro aan wali laheyna dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay, waxaana rasaas furay ciidamadii qaraxa lala eegtay durbana halkaasi hawl galo kooban ka sameeyay.
Qaraxa ayaa ahaa mid xoogiisa laga maqlay meelo badan oo kamid ah Caasimada Muqdisho, mana jiro wali faah faahino badan oo qaraxa laga helayo in Masuuliyiin katirsan Dowlada Muqdisho oo ka hadlay.
Wixii faahfaahin ah eek u saabsan qaraxaa.