Madaxweynaha Somalia oo Luuqad ka duwan sidii hore kaga hadlay wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Qodobo aan la fulin heshiiskooda

Muqdisho (berbernews) Madaxweynaha Dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa luuqad ka duwan sidii hore kaga hadlay wadahadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana waxa horyaala kulanka uu
madaxweynaha-soomaaliya
sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dhacaayo bisha January iyo qodobo labada dhinac ay wada gaadheen wadahadalkii u dambeeyay ee heshiiskii muranka hawada oo aan wali fulin. Madaxweynaha Soomaaliya oo habeenkii sannadka cusub ee 2014-ka (Habeen hore), waraysi siiyay Tv-ga Soomaaliya waxa uu sheegay inay socdaan wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iy Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Wada-hadaladaasi way socdaan u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay u socdaan sitoosa iyo sidadban-ba. Dhawaana bisha January dhex-deeda ayaa la is-kugu tagayaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.” Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay inay rajaynayaan in guulo ka dhashaan, isagoo arrimahaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi “Waxaana laga sii abo-qaadayaa meeshii ay joogeen wadahadaladu. Waxaanu rajeenaynaa inay ka dhashaan wada-hadaladaasi guulo badan oo la isku soo af-garto haddii Alle yidhaahdo.” Madaxweynaha dawlada Faderaalka ah ee Soomaliya waxa kale oo uu sheegay in dastuurka dawlada faderaalka ah tilmaamaayo inta ay ka kooban tahay Gobalada Soomaaliya “Dastuurka Soomaaliya waxa uu sharaxayaa in Soomaaliya ka kooban tahay 18 Gobal. 18 Gobal-na marka la yidhaahdana degmooyinkoodiina way ku jiraan,”ayuu yihi Madaxweynaha dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheeh Maxamuud. Dhinaca kale shirkii labada dhinac kaga wadahadleen hawada oo ku beegnayd 10 July 2013-ka ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa weftiyadii ka socday Somaliland iyo Soomaaliya waxay sheegeen in laga heshiiyay maamulkii hawada la isku odhan jiray Soomaaliya, taasoo xilligaas Qoramada midoobay ku wareejisay maamulka Muqdisho. isla markaana waxa horyaala wadahadalka uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dhacaayo bisha January murankii hawada ee ay sheegeen inay ka heshiyeen oo waxba ka hir-galin, waxaana ka mid ahaa  qodobka in la dhiso Guddi labo geesood ah oo ka shaqeeya mareynta sadaasha hawada Somaliland iyo Soomaliya oo xaruntooduna tahay Magaaladda Hargeysa. Qodabada labada dhinac ku heshiiyeen ee hawada ayaa waxa ka mid  ahaa sidan. 1-In wada-hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland lasii wado. 2-In la dhiso Guddi labo geesood ah oo ka shaqeeya maareynta saadaasha hawada Soomaaliya oo dhawaan Qaramada Midoobay ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo saldhig ka dhigan doona magaalada Hargeysa. 3- In 120 maalmood kadib dib ugu kulmaan isla dalka Turkiga ee marti-galiyey labadii kulan ee ka horeeyey. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo heshiiskaas, ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay  heshiis gaadheen iyaga iyo weftiga ka socday Somaliland. “Heshiis ayaan gaadhnay inaga iyo Guddigii Somaliland ka socday, qodobbo dhowr ah ayaanu ku hehsiinnay, kuwa kale oo aan la isku af-garanna waxaa loo dhigay shirarka dambe in lagaga hadlo. Waxaana isla garanay inaan dib ugu laabanno wadatashiyo mar kalena la isku yimaado,“ ayuu yidhi C/kariin Xuseen Guuleed. Wasiirka ganacsiga Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo isna waqtigaas la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay labada dhinac isku af-garteen qodobbadii laga hadlay qaarkood sida maamulka hawada wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Labada geesood walaalnimo ayaa ka muuqatay intii wadahadalladu socdeen iyo inay diyaar u yihiin in wadahadaladu sii socodaan. qodobbadii maanta la isla garan waayayna wadatashiyo’ ka dib looga hadlo shirarka soo socda.
berberanews-Desk