Jeneraal ka tirsan Ciidamada Koofurta Sudan oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Juba(berberanews) Jeneraal ka tirsan Ciidamada Koofurta Sudan ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay duleedka magaalada Bor, halkaasoo wali ay gacanta ku hayaan mucaaradka ka soo horjeeda dowladda.

ciidamada_koonfurSudan1-200x150

Wariye ka tirsan BBC-da oo la socday ciidamada dowladda ayaa sheegay kolonyo ciidamo la socdeen oo ku sii jeeday Bor ay la kulmeen weerar gaadmo ah oo rasaas culus lagu furay kolonyada.
Dagaalka ayaa wali ka socda Koofurta Sudan, iyadoo wada hadalo u socdo labada dhinac ee dagaalka ku dhaxeeyo, waxaana qorshuhu yahay in xabad joojin la kala dhex dhigo.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku dagaalamayaan gobolka hodanka ku ah saliida ee Unity.
Dagaalada Koofurta Sudan oo bilowday 15-kii bishii December ee sanadkan ayaa ka dambeeyay markii Reik Machar lagu eedeeyay inuu afgambi xukunka uga tuuro Madaxweynaha talada haya.
Ku dhowaad kun ruux ayaa ku dhimatay dagaalada ka socda Koofurta Sudan, iyadoo ilaa labo boqol kun ay ku barakaceen dagaalada.
berberanews/Hargeaysa
Somaliland