“Haddii ay isku Koobto Xukuumaddu Wadahadallada, Annaguna Soomaaliya ayaannu mid gaara la furaynaa..” Faysal Cali Waraabe

Hargeaysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay inuu wadahadal gaar ah la furayo Soomaaliya haddii ay Xukuumadda Somaliland isku koobto wadahadalka lala yeelanayo oo ay Xisbiyada Mucaaridka ah ka reebto.

 Faysal

Guddoomiye Faysal oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka di markii uu soo dhammaystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa Imaaraadka Carabta, waxaanu Warbaahinta ugu warramay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, ayaa ka hadlay Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi la sheegay in doorka aanay xisbigu ka mid noqon doonin weftiga Somaliland uga qayb-galaya, waxaanu ku hanjabay haddii laga reebo xisboyadda Mucaaradka wadahadalladaasi, ay iyaguna wadahadallo gaar ah la furi doonaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Haddii Xukumaddu isku koobto shirka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, annaga ka Xisbiyo mucaarid ahaan, waxaanu Soomaaliya la furri doona Wadahadallo ku saabsan Masiirka ummada Somaliland”

Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Faysak Cali Waraabe sheegay haddii laga reebo inay mid kale la furayaan Mucaaradku, ayaa laga yaabaa in xukuumaddu ka baxdo, maadaama oo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegay in aanay wakhti u ahayn maalinta dawladda Soomaaliya codsadeen in la qabto.

Berberanews.com

Hargeaysa/Somaliland