Hogaanka Kulmiye Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Shir Maanta Madaxwayne Ku Xigeenku Isugu Yeedhay Guddida Fulinta

SL(beberanews) :-Hogaanka xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa gaashaanka ku dhuftay warqad uu maanta guddida fulinta xisbigaasi isugu yeedhay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxayna sheegeen inay sharciga baal-marsan tahay.
 download (4)
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga, waxaanu sheegay in shirka uu Madaxwayne ku xigeenku isugu yeedhay uu yahay mid lagu wiiqayo habsami u socodka qabanqaabada shirwaynaha xisbigaasi.
 
Maxamed Kaahin, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shirwaynaha xisbiga Kulmiye wuxuu ku muddaysan yahay 21-ka bishan aynu ku jirno ee January 2014-ka, hawshii shirwaynaha waxa gacanta ku haya guddida qabanqaabada ee loo xil-saaray diyaarinta iyo abaabulka shirwaynaha, waxaana u qobsoomay. In la doortay guddoonkii hagayey guddida, guddoomiye ku xigeen, xoghaye iyo afhayeenkii guddida, waxay diyaariyeen xeer hoosaadkii hagayey guddida, waxay Magacaabeen guddi hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee qaban-qaabada, waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii shirwaynaha. Markaa hawlihii shirwaynuhu waxay u socdaan si habsami ah, markaa shirwaynihii wuxuu qabsoomayaa wakhtigii loogu talo-galay sida uu dhigayo xeerka xisbiga Kulmiye”
 
 
Maxamed Kaahin Axmed, oo sii hadlaya ayaa yidhi “Fadhiyada Guddida xisbiga Kulmiye waxa isugu yeedhi kara guddoomiyaha xisbiga, ajandayaasha fadhigana waxa diyaarinaya xoghayaha guud ee xisbiga, sidaa daraadeed warqadda Madaxwayne ku xigeenku isugu yeedhay guddida fulinta ee uu weliba ugu yeedhay guriga uu ku nool yahay, waxay baalmarsan tahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga, waxayna arrintaasi muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami u socodka hawlaha la qabanayo ee shirwaynaha xisbiga, kuwaasi oo ka gudbay marxalado badan oo adag, xubnaha guddida fulinta waxa lagu war-gelinayaa inaan shirkaa waxba ka jirin”
 
 Berberanews-Desk
Hargeaysa-Somaliland