Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo shir degdeg ah isugu yeedhay Hoggaanka KULMIYE

Hargeysa (berbernews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE ugu baaqay shir deg-deg ah oo Berri gelinka danbe ka dhici doona gurigiisa.
download (6)
Qoraal rasmi ah oo goor dhaweyd soo gaadhay Berbernews.com xarunteeda Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Ku: dhammaan xubnaha Guddida fulinta Xisbiga Kulmiye: Waxa la Ogeysiinayaa dhammaan xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye in ay isugu yimaaddaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.
 
Hoggaanka Xisbiga Kulmiye 1. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland 2. Maxamed X Yuusuf Waabeeye Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye 3. C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ALLAA MAHAD LEH Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 05/01/2013.
berbernews-Desk
Hargeaysa/Somaliland