Tunisia oo shareecada Islaamka laga diidey In La Isku Dhaqo

Tunisia (berberanews) Sharciga dalka Tuunisiiya ayaa laga dhigey mid aan asal iyo marjac u ahayn shareecada Islaamka. Sidaa waxaa go’aan ku gaadhey sharcidejiyaasha dalka Tuniisiya maalintii Sabtida.
3D-Tunisia-Text-Flag-2-300x226
Diinta Islaamka ayaa ahaaneysa diinta rasmiga ah ee dalkaas, sida lagu xariiqey Dastuurka cusub oraahda u horeysa, iyada oo dalku ahaanayo Jamhuuriyad.
“Tuuniisiya waa dal madaxbanaan, gooni u taagan oo karaamo leh. Islaam waa diinta dalka. Afka Carabiguna waa afka dalka, waana Jamhuuriyad. qaybtan lama bedeli.” waa sida ku qoran sharciga la meelmariyey.
Wax ka beddelka sharciga ayaa ah mid tanaasul iyo dheelitir la isugu samaynayey Xisbiga afkaarta islaamiga ah leh ee Annahda iyo kuwa Cilmaaniyiinta ah ee ku wada jira xukuumadda.
Dastuuka cusub ee Tuuniisiya ayaa loogu talo galay in uu u hoggaamiyo dhabaha dimoqraadiyad, si dalkaasi uga baxo khalkhalka siyaasadeed ee ka taagnaa halkaas tan iyo markii xukunka laga tuurey Madaxweynihii hore Zine alcaabidiin Bin Cali sanadkii 2011.
berberanews-Desk
Hargeaysa/Somaliland