Wasiirka Maaliyadda Oo Sheegay Dhaliisha Ka Dhalatay Xeerka Cashuur Kordhinta Gaadiidka Saarantahay Golaha Wakiillada

Hargeysa(berberanews):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in dhalliil kasta oo ka soo noqota Xeerka Takaaliifta horumarinta waddooyinka ee cashuurta lagu kordhiyey ay yeelanayaan Golaha Wakiillada Somaliland.
images (5)
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay inaan waxba laga beddeli doonin cashuuraha Xeerka horumarinta Waddooyinka Somaliland ee ay hore u  ansixiyeen Mudanayaasha Golaha Wakiilladdu. Wasiir Samaale waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta hor-tagay Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Warbixin u jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay haddii ay wax dhalliil ahi Xeerkaas Takaaliifta Waddooyinka ka soo baxaan inay dhalliisha ugu horreysa leeyihiin Mudanayaasha Golaha Wakiilladu maaddaama oo sida uu ku dooday aanu Xeerkaasi ka iman Wasaaraddiisa.
 
“Xeerka Takaaliifta Waddooyinka Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey, Wasaaradda Maaliyaddana Xeerkaasi kamuu iman, haddii ay dhalliiili ku jirto Xeerkaas, waxa ta koowaad yeelanaya Golaha Wakiillada Somaliland, dawladduna cashuuro ayey qaaddaa oo ay u baahan tahay, waddooyinkeennana waad ogtihiin sida ay yihiin, Adduunyada ciddii wax innama siiso ee innaga ayaa doonayna inaynu wax qabsanno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale.
 
Waxa uu Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi;  “Markaa, qofka Xildhibaanka ah ee halkan Xeerka waddooyinka ku ansixiyey aqlabiyadda guud xagga kalana ummadda ka afuufaya oo xumaan ka sheegaya miyaanu ahayn qof is-burinaya oo marna Xeerka Takaaliifta waajibiyey oo ansixiyey marna si qaldan Xukuumaddii wax uga sheegaya? Miisaaniyadda ku jirta Xeerka  waddooyinkana waxay si toos ah u galaysa waddooyinka.”
 
“Qasnada Qaranka waxa lagu aasaasay go’aan ka soo baxay Golaha Wakiillada 11/12/2013.Sababaha keenay samaynta qasnadda dawladda waxa ka mid ahaa, maaddaama oo dawladdu ay mashaariic harumarineed ku darayso waxa laysla qaadatay in loo sameeyo meel laysugu uruuriyo oo u gaar ah, sida ku cad Miisaaniyad-sannadeedka 2013. Qasnaddan waxa la galiyey waxyaabo badan oo aan hore u gali jirin miisaaniyada qaranka, kuwaas oo hadda ka muuuqda miisaaniyad-sannadeedka 2014. Qasnadani waxay qaranka u soo kordhisay waxbadan oo qaranka waxtar u leh.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Warbixinta uu Golaha Wakiillada ka hor-jeediyey ku sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
berbernews-Desk