Carwadii Ganacsatada Somaliland Oo La Soo Gabogabeeyay Iyo Shirkado La Gudoonsiiyay Shahaado Sharafyo

Hargeaysa (berberanews) Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa caawa fiidkii soo Gabogabeeyay Carwadii Ganacsatada Somaliland ee mudada toddobaadka ah ka socotay huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.
Carwada-11
Munaasibadda lagu soo gabogabeeyay Carwada Lixaad ee ganacsatada Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Maareeyaha Dekedda Berbera, Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland iyo boqollaal qof oo kale.
 
Carwada-8
Xafladda xidhitaanka Carwada lixaad ee Somaliland, oo shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyay Ganacsatadii doorka weyn ka qaatay hirgalinta Qabashada Carwada oo ay ka mid yihiin Shirkadaha Dahabshiil, TELESOM iyo SOMCABLE oo mudadii carwadu socotay bixinaysay adeeg bilaash ah oo xagga Internet-ka ah, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Maxamed Shukri, waxaanu faahfaahiyey guulaha soo baxay qabashasa carwada lixaad ee ganacsiga Somaliland, isaga oo sheegay in carwadani muujisay dedaalka iyo kartida ganacsatada Somaliland, isaga oo u mahad-celiyey guud ahaan dadkii ka qayb-qaatay Carwada.
Carwada-12
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar(Cali Xoor-xoor) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabada buuxda uga jirto, isaga oo xusay in carwo tan oo kale la mid ah ay dekeda berbera ay ka qayb-gashay Magaalada Addis-ababa dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay inay ku guuleeysteen kaalinta labaad
Carwada-2 (1)
Munaasibaddan oo ay ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, oo labadooduba ka waramay faa’iidada ay bulsahda u leeyihiin carwooyinka la qabtaa, waxayna tilmaameen inay  ku faraxsan yihiin qabashadeeda.
Carwada-14 (1)
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar(Cali Xoor-xoor) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabada buuxda uga jirto, isaga oo xusay in carwo tan oo kale la mid ah ay dekeda berbera ay ka qayb-gashay Magaalada Addis-ababa dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay inay ku guuleeysteen kaalinta labaad.
Munaasibaddan oo ay ka hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, oo labadooduba ka waramay faa’iidada ay bulsahda u leeyihiin carwooyinka la qabtaa, waxayna tilmaameen inay  ku faraxsan yihiin qabashadeeda.
Carwada-15
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo gabogabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay ku guuleysteen inay hirgaliyaan Carwada isaga oo xusay inay arrinta qabsoomideeda ay ku aamanantay rungta ganacsiga Somaliland iyo dadka kale ee kaalinta ka qaatay
Carwada-2 (1)
 
Berbernews-Desk
Hargeasa