Haweenay Ninkeeda oo ka tirsanaa ciidamada nabad sugida ku dishay Muqdisho.

Muqdisho (berberanew) Waxaa xalay degmada Waaberi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad sugida kaasoo magaciisa lagu soo koobay in la oran jirey Cadde kadib markii ay gacanteeda ku dishay xaaskiisa.
ak47-pictures
Xaaska sarkaalka dhintay ayaa la sheegay inay adeegsatay qori Ak47 ah xili uu hurdayay seygeeda iyadoo rasaas ay la dhacdayna isla sariirta uu ugu naf baxay.
Wararka laga helayo dad ku dhow hoyga sarkaalka lagu dilay oo ahaa degmada waaberi ayaa sheegaya in muran uu xalay soo kala dhex galay labada isku qoyska ahaa kadibna ay keentay inay disho haweeneydaasi ninkii qabay.
Ciidamada Boliiska ayaa gacanta ku dhigay haweeneydii dilka gaystay waliba waxaa socda baaritaano la xiriira sababta keentay dilka sarkaalkaasi.
Dadka deegaanku waxay kugaabsadeen inuu jiro khilaaf dhanka qoyska ah mana jirto cid faahfaahin intaas ka badan heysa,iyadoo saraakiisha boliiska saldhiga waaberi aysan wali saxaafada la hadlin
berberanews.-Desk
Hargeysa/Somaliland