Wasiirka A/Gudaha Oo Si Adag Uga Hadlay ,Hadal Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha UCID Saxaafada Somalilandna Amar Ku Soo Rogay.

Hargeaysa (berberanews)Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu la yaabay sababta Tifaftirayaasha Tv-yada iyo Wargeysyada dalka ka soo baxaa ay u faaf reebi waayaan hadallada foosha xun ee beeluhu warbaahinta isku mariyaan.
Cali-1
Wasiirka oo arrimaha gudaha oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan Tv-yada ka maqlaa dad reer Somaliland ah oo hadlaya oo leh Haddii aanu nahay Qabiil hebel oo fariin u diraya qabiil kale, taasina waxay keeni kartaa isku dhac iyo cadaawad, lamaan yaabin dadka suuqa jooga ee waxaas ku hadlaya ee aan masuuliyaddu saarnayn, laakiin waxaan la yaabay tifafriraha Telefiishan ama joornaal ee qofka caadiga ah ee suuqa jooga ee qof kale caayaya, inaad sidiisa u siidaysaan oo aydaan kala saarin oo aydaan kala miirin (Waa khalad)”
Wasiirku waxa uu sheegay “Waxaan maanta halkan ka soo jeedinayaa oo amar ah inaan Telefiishanna siidayn karin wax ku taxaluqa qabyaalad, ruqsadda ayaan kala noqonayaa Tv-ga siidaaya Qabyaalad” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Qabyaalad oo si fool xun loo isticmaalaa waxay keenaysaa in dalkani la kulmo wax fool xun, qofku wuu sheegan karaa Gobol, wuu odhan karaa haddaanu nahay reer Burco iyo haddaanu nahay gobolkaa.”
 
Dhanka kalana waxa uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, oo maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Faysal Cali Waraabe awood u lahayn inuu xidhiidh la yeesho Soomaaliya.
 
Wasiir Waran-cadde oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Arrinta Faysal Cali Waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun balaadhan oo ka muuqday hadalkiisa isla-markaana ku lid ah qaranimada Somaliland iyo gooni isku taaga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal, wuxuu ka hadlay wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya,  arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay, laakiin golayaasha sharci dejintu sharci ka soo saareen ay u Madax-banaanaynayaan Madaxwaynaha iyo xukuumaddu ay wadhadallo la furi karaan Soomaaliya, marar lagu daray Faysal guddida wadahadallada khasaare iyo tuhun badan baa ka soo baxay, ka dib markuu Faysal isaga oo ogolaanshihii ummada iyo Madaxwaynaha haysta uu shirar gaar ah Soomaaliya, kuwaasi oo aan lala ogeyn, sidaa awgeed maantana guddida baxaysa waxa jira cid aan fulinta ahayn, waxaa ka mid ah golayaasha sharci dejinta”
 
Wasiirku wuxuu sheegay inaan loo dulqaadan Karin hadalka Faysal Cali Waraabe “Maaha wax la qaadan karo inuu yidhaahdo haddaan anniga la igu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jiradaasi sharciga waxay keenaysaa dhadhan ama muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Hadalkii Faysal ee xalay wuxuu fariin qaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno ictiraafka, oo sawir aan ka jirin Somaliland ayuu gudbiyey Faysal, oo ah kalsooni daro, dawlad la’aan, hogaan la’aan iyo kala dambayn la’aan”
 
Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu fariin u diray shacabkii maqlay hadalka Faysal “Waxaan bulshada dareenka qaaday u sheegayaa inaanu Faysal awood u lahayn, wuxuu sheegayna isaga ayay ku kooban tahay, xitaa ma qabo in xisbiga UCID la qabo in Faysal ku hadaaqo Soomaaliya nin walba halkiisa wadahadallo ha la galo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxaan leeyahay warkaa uu sheegay Faysal waxba kama jiraan, lamana yeelan karo wax xidhiidh ah Soomaaliya, haddaanu odeygu u jeedin inuu fariin u dirto isku shaandheynta Xamar ka socota si loogu daro liiska”
 
berberanews-Desk
Hargeaysa/somaliland