350 ka tirsan Booliska Turkiga oo shaqada laga caydhiyey

images (5)Ankar (berbernews) Xukuumadda dalka Turkiga ayaa shaqada ka caydhisey 350 qof oo ka tirsanaa Booliska magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, kadib markii ay si lixaadleh kor ugu kacay musuq-maasuqu, kaas oo lugaha la galay xukuumadda.
 Kuwa shaqada laga cayriyey, waxaa ka mid ah saraakiil sarsare iyo hoggaamiyaal, kuwaas oo ku luglahaa denbiyadam kotorobaanka iyo musuq-maasuqa.
 Musuqmasuqa dalka Turkiga galay ayaa sababey in isbedel lagu sameeyo xukuumadda shaqada laga cayriyo in ka badan 10 wasiir.
 Musuq-maasuqa lagu heley qaar kamid ah golaha wasiirada caruurtooda, Booliska ayaa saameyn weyn ku yeeshey Raysalwasaaraha Turkiga Erdogan oo markii afaraad doonaya in uu xafiiska ku soo laabto, Erdogan ayaa guddiyo gaar ah u saarey in ay ka soo talo bixiyaan musq-maasuqa sii baahaya.
 berbernews-Desk
Hargeaysa/somaliland