““Arrinta Faysal Cali-waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa..”Wasiir Waran cadde

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa jawaab digniin xambaarsan ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, kaasoo saxaafadda ka sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi wadahadal gaar ah la furi doonaan dawladda Soomaaliya, haddii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo isku koobto wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya Turkiga bishan January.

Md. Cali Maxamed Warancadde oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa saxaafadda ugu waramay maanta, waxa uu sheegay in hadalkaas ka soo baxay Faysal Cali-waraabe yahay mid xad-gudub ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaanna aanay xukuumad ahaan ogolaan doonin tallaabooyinka lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Somaliland.

“Hadalkii Faysal (Guddoomiyaha UCID) wuxuu fariin qaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno ictiraafka, oo sawir aan ka jirin Somaliland ayuu gudbiyey Faysal, oo ah kalsooni daro, dawlad la’aan, hogaan la’aan iyo kala dambayn la’aan.  Waxaan bulshada dareenka qaaday u sheegayaa in aannu Faysal awood u lahayn, wuxuu sheegayna isaga ayey ku kooban tahay, xitaa ma qabo in xisbiga UCID la qabo in Faysal ku hadaaqo Soomaaliya nin walba halkiisa wadahadallo ha la galo. Waxaan leeyahay warkaa uu sheegay Faysal waxba kama jiraan, lamana yeelan karo wax xidhiidh ah Soomaaliya, haddaanu odeygu u jeedin inuu fariin u dirto isku shaandheynta Xamar ka socota si loogu daro liiska. Maaha wax la qaadan karo inuu yidhaahdo haddaan anniga la igu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jiradaasi sharciga waxay keenaysaa dhadhan ama muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn,” ayuu yidhi Md. Warancadde.

Waxa Wasiirka Daakhiligu sheegay in khasaare lagala kulmay dhawr jeer oo Guddoomiyaha UCID lagu daray guddida Somaliland uga qaybgala wadahadalka Soomaaliya, waxaannu yidhii; “Arrinta Faysal Cali-waraabe ka siidaayay warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa, isla-markaana ku lid ah qaranimada Somaliland iyo gooni-isu-taaga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal (Guddoomiyaha UCID) wuxuu ka hadlay wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya,  arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay, laakiin golayaasha sharci dejintu sharci ka soo saareen ay u Madax-banaanaynayaan Madaxwaynaha iyo xukuumaddu ay wadhadallo la furi karaan Soomaaliya, marar lagu daray Faysal guddida wadahadallada khasaare iyo tuhun badan baa ka soo baxay, ka dib markuu Faysal isaga oo ogolaanshihii ummadda iyo Madaxwaynaha haysta uu shirar gaar ah Soomaaliya, kuwaasi oo aan lala ogeyn, sidaa awgeed maantana guddida baxaysa waxa jira cid aan fulinta ahayn, waxaa ka mid ah golayaasha sharci dejinta.”

Waxa kale oo Wasiirka Daakhiliga Somaliland shaaciyey in xukuumaddu ruqsada kala noqon doonto telefishanka ama hay’adda warbaahineed ee faafisa hadalo qabyaalad ku salaysan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan Tv-yada ka maqlaa dad reer Somaliland ah oo hadlaya oo leh haddii aanu nahay qabiil hebel oo fariin u diraya qabiil kale, taasina waxay keeni kartaa isku dhac iyo cadaawad. Lamaan yaabin dadka suuqa jooga ee waxaas ku hadlaya ee aan masuuliyaddu saarnayn, laakiin waxaan la yaabay tifafriraha Telefiishan ama joornaal ee qofka caadiga ah ee suuqa jooga ee qof kale caayaya, inaad sidiisa u siidaysaan oo aydaan kala saarin oo aydaan kala miirin.

Waxaan halkan ka soo jeedinayaa oo amar ah inaan Telefiishanna siidayn karin wax ku taxaluqa qabyaalad, ruqsadda ayaan kala noqonayaa Tv-ga siidaaya Qabyaalad. sababtoo ah qabyaaladda oo si fool xun loo isticmaalaa waxay keenaysaa in dalkani la kulmo wax fool xun, qofku wuu sheegan karaa gobol, wuu odhan karaa haddaanu nahay reer Burco iyo haddaanu nahay gobolkaa.”