Berberaay Xaggeed u socotaa WQ Maxamed Jaamac Liibaan

Waxaa ayaan darro ,sharaf xumo,xushmo la’aan iyo is qadarin la’aan,baal marsan sharciga iyo Distoorka dalka u yaal noqotay,markay mas’uuliyiinta G/Saaxil si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu dhaartey una diiday,muwaadin u dhashay dalkan oo ka mida muwaadiniinta caanka ku ah ka qayb galka horumarka dalkan oo aan dhib iyo hadimo toona lahay oo dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah, inuu maal gashi ku sameeyo,warshada Sibidhka ee Berbera,oo manaafacaad badan badan u leh dalkan iyo dadkiisaba. Hore ayaa loo yidhi, Karis xun iyana wax ku la’a.

 Markaan u soo noqdo arrintan gudo iyo debadba laga biyo diiday,ee raad xumada ku reebaysa dalkan iyo dadkiisa,isla markaana colaad iyo is nacayb ka dhex abuuraysa walaalaha is jecel ee danta guud iyo tan gaar ahaaneedba ay dhex u tahay ee deegaan wadaagta ah,in dhexdooda dab laga shido… oo ay shakhsiyaad danahooda gaarka ah wado u samaysanayaa,ka dhex toosaan hooyadii dal iyo dadba hormoodka u ahayd horumarka iyo deganaansha uu dalkani ku caano maalay,ayaa ilaa maanta la garan la’yahay ujeedada iyo sababaha ku kalifay inay u badheedhaan,hadaladda aan munaasibka ku ahayn muwaadin diyaar u ah inuu dalkan mustaqbalkiisa wax ku soo kordhiyo munaafacaad badan u leh dalkan iyo dadkiisaba,isla mar ahaantaana shaqooyin lagaga baahi baxo shaqo la’aanta ka abuuri lahaa,gaar ahaana reer berbera ay qaybta ugu badan shaqaalaha ka heli lahayd….iwm.

 

 

 

Taariikhdu ma duugowdo mana baaba’do,waana mid jiilba jiilka uu ka dambeeyo ka dhaxli doonaan,oo aan weligeed duugoobayn oo ay xusi doonto taariikhdu. Waxaana xusid mudan ujeedada qudha ee ay Xukuumaddu ka lahayd arrintan,may ahayn saaxiibtinimo ka dhaxaysa, ama waa reerkiina….iwm. waxayse ahayd horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha oo dal iyo dadba muhiimad weyn u leh,isla markaana abuuri karta shaqooyin kala duwan oo ay muwaadiniintu ka faa’idaystaan,ugu yaraana ay ka hawl gali karaan  1500 ilaa 2000 oo muwaadiniinta dalkan u dhashay ka mida oo uu gobolka Saaxilna shaqaalaha ugu badan ka heli lahaa…iwm.

 

 

 

Waxaa kaloo xusid mudan,faa’idooyinka kala duwan ee uu gobolkani,sida gaarka ah uga helayo oo noqon doonta magac iyo horumar dheeraad ah oo ay gobollada kale kaga horeeyaan,isla markaana uu dalkani kaga maarmi karo,lacagta adage e kaga baxaysa Sibidhka,dalkuna uu noqon doono mid dhinac walba isku-filaansho ka gaadha…iwm.

 

 

 

Waxaa haddaba,ayaan darro noqotay,inay mas’uuliyiinta gobolka saaxil,wakhtigan xaadirka ah, 

 

ka mida muwaadiniinta dalkana,si badheedha uga hor joogsaday una diiday inu maal gashado warshada sibidhka..

 

Haddaba,waa maxay ujeedada ka dambeysa arrintan iyada ah ee sida gaarka ah u taabanaysa labada muwaadin ee xaq iyo xuquuqda ku leh deegaankan….? Ma aha wax kale ee waxaa loo jeedaa waa reer hebel,waana arrin ugub ku ah S/Land oo aan horeysiyo dambayso ka dhicin dalkan. Waana arrin khatar ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Jumhuuriyadan,oo mushkiladeeda iyo cawaaqib xumadeeda leh oo ku fidi karta gobollada kale,isla markaana noqon karta cudur aan daawo lahayn…. Dibna ugu soo noqon doonta,shakhsiyaadka ama mas’uuliyiinta reer saaxil oo mushkiladaas xal u helintoodu ku noqon doonto,mid ay ku kala jabaan dhexdooda oo aan wax garowshiyo ah ka heli doonin,walaaluhooda iyagoo miyir iyo maanba qaba ku xad gudbay, isla mar ahaantaana ay inta kale eedda iyo gafka dhabarka u saari doonaan,Hooyada S/Land, oo ah Berbera iyo Mas’uuliyinta reer saaxil iyo intii ku taageertayba.

 

 

 

Haddaanay maanta dib uga noqon oo aysan xal kama dambeys ah ka gaadhin arrinkaasi ay kula kaceen,walaaluhooda ay deegaan wadaagta yihiin,isla markaana u calool xaadhan iyaga oo aan wax cudur ama xumaan ah u hayn godobta ay ka galeen, dib ayey uga qoomamayn doonaan oo farta ayey dhexda ka qaniini doonaan,maalin aan maanta ahayn,xaq darrada ay kula kaceen labadaas muwaadin ee aan wax tar mooyee aan marna kula kicin wax xumaan ah oo sabab u noqota ama ay sabab uga dhigaan arrintaas iyada ah. Waa mid ay dambarsan doonaan cawaaqib xumadeeda mar aan sidaa u sii fogeyn.

 

 

 

Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac ugu jjido,

 

 Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi-furan keeno…

 

 Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero  

 

Guudaan haddii uu ku jiqo ereyga geedaysan-  

 

 Runta wuxuu u guul-guulaya wey gun dheertahay

 

   Goldaloola qudha maaha iyo goonnidaa taliye  

 

   Gedaan loo filayn baa jirtiyo geel-la daaq kale’e

Waxaan ku soo gunaanadaya,arrintani waxay u taala aqoon yahanka iyo waxgaradka S/Land, inay ka gun gaadhaan,kana doodaan xalkeeda iyo waajibaadka ka saaran,fool xumada ay leedahay iyo raadka ay ku yeelan karto mustaqbalka dalkan iyo horumarkiisaba,intaanay saamayn guud ku yeelan…….iwm.

 

Diyaariye. Moxammad Jaamac  Liibaan.