Madaarka Berbera: Zaad ma kuugu soo diraa? Sheeko dhab ah

Sheeko iga la kulantay Madaarka Bebrbera.

Waxaan halkan doonayaa inaan ku qoro oo la soosocodsiiyo dhammaan dadka debadda kataga ee ka ka soo dhoofa Eerboodka caalamiga ah ee magaalada Berber & maamulka Eerboodka & haydda xukunta Eerboodada Somaliland.

Dhacdadan ayaan doonayaa inaan halkan ku qoro,  ugana sheekeeye akhristayaasha akhriya afka Soomaaliga & dadka isticmaala eerboodada Somaliland:

Waxaan ka soo dhoofayey  eerboodka Berbera dhammaadkii bisha desember 2013. hadaba intaanan qorin sheekada dulucdeeda. Waxaan doonayaa innaan sheego sharciyada eerboodada Somaliland uyaala markay noqoto bixitaanka & gelistaba.

Markaad gelisayo waxaad bixinaysaa 34 dolar. Markaad ka soodhoofaysana waxaad bixinaysaa isku dar 44 dolar. 10  oo meela & 34 meel kala ah intaa wixii dhaafsan waxaa weeye shaxaad aad bixiso oo aan khasab ahayn.

Hadaba bal aan yara sheego waxa igala kulmay waqti aan ka soodhoofayey dhammaadkii bishii desember oo ahayd maalin axad 29.12.13. eerboodka magaalada Berbera.

Kolkii aan bixiyey 10 dollar waxaan soo gaadhay amigareeshiinkii (Socdaalka) oo lagu bixinayo 34 dollar, waxaan u dhiibay 40 dolar. Halkii laygasoo celin lahaa 6 dolar. Waxaa ninkii meesha tegnaa intuu la soo baxay mobilkiisii igu yidhi baaqiga Zaad ayaan kugu siinayaa.

Kolkaas aan ku idhi maba xume e Zaadku Dubai ayaan sii marayaa ma ka socdaa, malaga isticmaalaa, Lacagta Dubai ma ku isticmaali karaa? Wuxuu igu jawaabay waxba aniga igama gelin ee Zaad makuugu diraa?

Hadana waxaan ku idhi abti Zaad malihi ee miyaad i tidhaahdid baaqiga inaan qaato ayaan doonyaayey i hibee.

Wuxuu igi jawaabay maya ee Zaad ma kuugu diraa. Intaas oodhana wuxuu ahaa nin qayliniya oo ay ka maqantahay edebtii maamus & adeegga bulshadu. Wuxu hadalka u taagtaagay si uu weliba aniga iiga qajilsiiyo oo aan u aamuso.

Zaad ayuunbaan baaqiga kuugu celinayaa ayuu yidhi.

Waxaa soo dhowaatay waqtigii diyaaraddu imanaysay, kolkaasaan ku idhi kumaan siin lacagtaase waxaad igaga qaaday baad ee buuga baadda ku qor.

Wuxuu xalkii noqday inaan uga tago baaqigii oo uu khasab ku qaato. Waayo waxay sheekadi istaagtay kuma sii nayo lacagta baaqigaaga ah oo waan qaadanyaa oo af carbeed ah.

Markaa suąasha ugu horaysaa waxaa weeye ma barnaamuj cusub oo Zaadku Eerboodka adeegiisa lagu soo kordhiyaa? Waa su?aal ku socota maamulka Eerboodada Somaliland.

Mise nooc cusub oo qolada jawaasaadku hadda ku kaluumaysato?

Ta kalena waxay tahay haddaad dukaan shay qiimuhu jooga ka iibsato waxaa xaqa shaygii inaad bixiso intuu ahaa oo aanad bixin wax intuu joogo ka badan.

Baqshiishna lagama bixiyo adeegyada dawladd. Markaa waxaani maxay tahay? Ayaan weydiinayaa maamulka eerboodada marlabaad.

Markaa waxaan ku leeyahay markaad ka soo dhoofayso Eerboodka Berbera ku soo tala gal 44 dolar oo goąn, haddii kale waxaad kolmayse shaqaalaha Eerboodka oo ku odhanaya Zaad baaqiga ma kuugu diraa.

 

 

Bal horta aan kuu sharaxo akhristo waxa Zaad yahay. Zaad waa adeeg lacagta telefoonada laysugu diro oo waddanka gudihiisa ka socda oo aan dibadda laga isticmaali karin.

Waddan gudihiisa oo qudha ayuunbaa Zaadku ka shaqeeyaa ee meel dhaafsiisan kama shaqeeyo.

 

Haddaba sheekada waxaan ku soo guunanadayaa, qofkii sheekadan akhriya is yidhaahda lix dollar waxa qalinka loo qaatomaaha, waxaan dareen sanyaa in baaqaygu 1 milyan dollar ahaan lahaana sidaasuun loo tijaabin lahaa in laqaato.

Waxayna tahay in qofka ista wuxu xaq uleeyahay cidana ka dafirin, uguna diidin si toos ah ama si dadban.

Waxaan odhan karaa inay arintani tijaabo ahayd dadka lagu tijaabinayo in baaqiga lagaga gurto.

Dawadeedu waxay tahay markaad dhoofayso hayso 34 dollar oo goąn.

Waxaanaan doonayaa in arinta Eerboodka Berbera ka soo jawaabo.

Qofkasta oo garanaya cid eerboodka berbera ka shaqays oo akhriya maqaalkani inay utibaaxaan arintan maamulka Eerboodka. Si ay jawaab cad uga soo bixiyaan arintan guracan.

Dhammaad: wax is weydiini ma xumee wax is waydaarisbaa daran.

 

Ogow ninkan iga dafiray baaqiga wuxu metelayaa wejiga Eerboodka & ka dawladaba.

Awale Aabi Norway. awaale@hotmail.com