War Deg Deg ah Gaadhi Waxyaabaha Qarxa Lagu Soo Qariyay Oo Muqdisho Caawa Lagu Qarxiyay iyo Masuul Hore ku Geeriyooday

Muqdisho (berbernews)Waxaa Caawa Salaadii Cisho kadib Isgooska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xoogan oo la tilmaamay in uu ahaa mid gaadhi loogu soo xidhay Gudoomiyhii hore ee Deegaanka Lafoole.
download (6)
Goob joogayaal ayaa kuwaramay in qaraxa uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee Degmada Hodan iyada oo qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badnaa oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho.
 
Gaariga la qarxiyay waxaa watay kuna geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Deegaanka Lafoole Cabdullaahi Jaamac Siyaad (Jabeey) waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale uu ku jiray nin saarnaa gaadhiga la qarxiyay
 
Qaraxa kadib ayaa laga kala cararay Isgooska Tarabuunka oo xiligaasi ahaa mid mashquul ah waxaana goobta xidhay oo rasaas kor u ridayay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa isgooska Tarabuunka uu qaraxu ka dhacay.
 
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Dowlada oo ku toosan Qaraxa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho , sidoo kale wali ma jirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxaasi.