WAR DEG DEGA Rabshado ka socda Magalada Garoowe + Dad Dhintay

Garoowe (berbernews) Banaanbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland oo maanta ay ka dhacday Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland.
download (6)
Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Taageerayaal kala taabacsan Faroole iyo C/wali cali Gaas oo maanta la doortay ay ka dhaceen Magaalada Garoowe.
 
Waxaa lagu soo waramayaa in Banaanbaxa ay ku dhinteen Labo ruux in kabadan 5 kalena Wey ku dhaawacmeen.
 
Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Puntland ay Rasaas farabad ridayaan oo kala Ceerinay Dadka Isku soobaxay.
 
Magaalada ayaa waxaa ka taagan Xiisad iyo Rabshado u dhaxeya Taageerayaal kala taabacsan Faroole iyo C/wali Cali Gaas.