Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo digniin adag u diray madaxweynaha cusub ee loo doortay maamul goboleedka Puntland.

Hargeaysa (Berberanews) wasiirka wasaarada madaxtooyada SomalilandXirsi Cali Xaaji Xasan ayaa digniin adag u diray madaxweynaha cusub ee loodoortay maamul goboleedka somaliyeed ee Puntland.

images (8)

Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oomaanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysaayaa waxa uu sheegay inaanay madaxda cusub ee Puntland isku dayin inay ku sooxad gudbaan dhulka Somaliland .

 

Ugu horayn wasiirka wasaarada madaxtooyada Somalilandoo ka hadlaya doorashada ka dhacday Puntland ayaa waxa uu yidhi Meesha layidhaahdo Puntland waa qayb ka mid ah somaliya maamulkeedana waxa u tartamayey cid somaliya ah guud ahaana waxaanu urajaynaynaa badhaadho iyo barwaaqo ka guulaystayna waxanu u jeedinaynaabadhaadho,

asiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oohadalkiisa sii wata ayaa ka sheegay inaanay Somaliland u dul qaadan doonin inlagu soo xad gudbo dhulkeeda waxaanu yidhi Somaliland ahaana waxaanu kadigaynaa in lagu xad gudbo taako ka mid ah dhulkayaga,waxaana warbaahinta aanka maqlaynay iyada oo rag badani ay ku ololaynayaan  inay u soo dhololayaan Laas Caanood iyodhulka Somaliland, waxaanu u soo jeedinaynaa inaanu nabad ku wada noolaano,kamana xumin inay somaliya nabad noqoto cida ku guulaystay doorashadana kama xumin laakin taako ka mid ahdhulkayaga  haddii ay ku soo xad gudbaanwixii ka yimaada iyaga ayaa  qaba, manaogolin wax xuduudayada ka mid ah  inaygorgortan gasho cidna kama ogolin.

berberanews-Desk

Hargeays/somaliland