Al -Shabaab oo galabta loo geystay duqeyn xagga cirka ah

Diyaarad-wax-duqeyneysaGeddo(berberanews)Diyaarado aan la aqoon san dalka laga lee yahay, ayaa waxay galabta duqeymo culus ay ku garaaceen fadhiisimo, ay Ciidamada Ururka Al Shabaab ku lee yihiin deegaanka Kalabeydhka.

 Deegaanka la duqeeyay wuxuu 20-km uu u jiraa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxaana duqenytaa si weyn looga maqlaayay Magaalada Garbahaarey.

 Duqeyntan, ayaa waxaa lala eegtay fadhiisimo ay maalmahaan ku soo badanayeen dagaal-yahanada Al Shabaab, si ay ugu difaacdaan gacan ku heynta Magaalada Garbahaarey.

 Afhayeenka Ahlu Suna ee Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi), oo duqeyntan ka hadlay, ayaa wuxuu sheegay in jab xoogan uu ka soo gaadhay Al Shabaab.

 Xoghayaha Gaashaandhiga ee Ahlu Suna e Gobolada Koonfureed Sheekh Isaaq Xuseen Mursal, wuxuu sidoo kale uu sheegay in ay soo dhaweynayaan duqeymaha noocaanoo kala ah.

 

Duqeymaha galabta lagu garaacay fadhiisimaha Al Shabaab, ayaa waxay ku soo abeegmayaan, xilli Gobolka Gedo uu ka soconaayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan, oo lagu wado in Gobolka looga wada saaro Xoogaga Al Shabaab.

Dhanka kale wali xaga xarakada Al-shabaab wax wara ka ma soo bixin wararka laga heleyo aagaa ayaa waxa ay tibaaxayaan in Qasaare ba,an ay ka soo gaadhay xarakada Al-shabaab.

Berberanews-Desk

Geddo/somalia