Al-Shabaab oo mamnuucay internet-ka

Berberanews-Ururka Al Shabaab ayaa Internet-ka ka mamnuucay dhulka ay ka taliyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dadka bixiyo adeegga Internet-ka ee dhulka ay maammulaan Al-Shabaab ayaa loo qabtay muddo 15 maalmood ah inay ku xiraan goobahooda.

Waxrbixin ka soo baxday Al Shabaab ayaa lagu sheegay in “dadka u hoggaansami waaya amarkan loo aqoonsan doono inay la shaqeeyaan cadowga Islaamka”.

Telefoonnada Caaqilka ah

Al-Shabaab ayaa horey uga mamnuucay goobaha ay gacanta ku hayaan isticmaalka telefoonnada Caaqilka ah.

Tallaabadani ayaa loo malaynayaa inay ku xambaartay Al-Shabaab cabsi ay ka qabaan in la basaaso, iyo welibo inay u suuragasho inay xakameeyaan wararka caalamiga ah ee dadka gaaraya.

Ciidamada AMISOM

Ururkan Al-Qaacidda xiriirka la leh ee Al–Shabaab ayaa si rasmi ah u maammulayay qaybo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

Balse waxaa inta badan magaalooyin Muhiimka ah ka saaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Xiritaanka Internetka ayaa saamayn ku yeelan doonto in dadku helaan wararka caalamiga ah, iyo inay galaan baraha bulshada ee dhallinyarada ay ku xiriiraan sida Facebook iyo Twitter.

Sources, BBC