Badhasaabku Xigeenkii hore Togdheer oo Ciidamada boolisku ka qabteen Kaantaroolka Haleeya

Hargaysa-(berbernews)-Gudomooye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guulleed Daahir Samater ee dhawaan laga soo daayey xabsiga magaaladda Berbera  ayaa xalay 11:00pm ciidaanka booliska ee magaaladda Hargaysa ay xidheen, ka dib markii ay ka qabteen kantaroolka haleeya,isagoo dhinaca magaaladda Burco ka soo baqoolay.

images21

Gudoomiye ku xigeenkii hore ayaa la sheegay in uu hadda ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaaladda Hargaysa, lamana oga cidda ka  danbaysa xadhigiisa.

 

Siday wararku sheegayaan Mr. Guulled iyo gaadhigii uu saarna ee ahaa nooca loo yaqaano NOAH ayaa markii ay soo gaadheen kaantaroolka Haleeya ay ciidamada boolisku halkaasi ka qabteen iyagoo sheegay in lagu amray qabashadiisa  oo aanu dhaafin, sidaasina ay ku xidheen.

Wararka naga soo gaadhaya arrinka Mr.Guuleed ayaa la sheegayaa in ay masuuliyiin ku jirta xukuumada siilaanyo ay hayb ahaana wadadaagaan Guuleed in ay ku yidhaahdeen kama bixi kartid magaalad

Hargeays ilaa muddo 3bilooda taas oo uu ku gan seydhay Mr. Guuleed Samatar ayaa la filayaa in ay xadhigiisa caawa ka danbeeyso.

Sida Mr.Guuleed oo warbaahinta Qaarkeed taleefan Kula xidhiidhay usheegay in xadhigiisu ka danbeeyo wasiirka madaxtooyada xirsi xaaji cali .

 

Mr. Gulled safarkiisa waxaa uu ahaa mid uu ugu soo guryo noqonaayo magaaladda Burco oo ahayd halkii 3 bishan laga xidhay, iyadoo  la sheegay in magaaladda Burco in kooox dhalinyaro ahi ka sidii soo dhawayn balaadhan loogu samayn lahaa.

berbernews-Desk

Hargeysa/somaliland