Maareeyaha Dekedda Berbera oo ka hadlay Kaalinta Dekeddu kaga jirto dhaqaalaha dalka iyo kuwa jaarka

Hargeysa-(Berberanews)-Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo Ka Hadlay Madashii Lagu Gudoonsiinaayay Shahaado Sharafta Ayaa Shegay  in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabada buuxdaa uga jirto, isaga oo xusay in carwo tan oo kale la mid ah ay dekeda berbera ay ka qayb-gashay Magaalada Addis-ababa dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay inay Carwadaasi Ka Dhacday Dalka Ethopia Ay Dekada Berbera Ka Gashay Kaalinta 2aad, Taasina Waxay Muujinaysaa Sida Ay Dekadu Uga Caanka Tahay Gobolka Iyo Qiimaha Ay Ka Dhex Leedahay
Maareeye Cali Xoor-Xoor Ayaa Yidhi: “Dekada magaalada Berbera waa Laf dhabarta Dhaqaale Waa tamarta dowladnimo, Waa laf dhabarta xidhiidhka dibada oo wax weyn ka tarta horumarinta iyo nolosha wadankeena iyo dadyowga ku dhaqan wadamada jaarkeenaa. Waxaaanay Muujinaysaa Kaalinta Lama Huraanka Ee Ay Dekadu Kaga Jirto Ganacsiga Somaliland Iyo Jaarkeeda, Anagu waxaanu nahay hay’ada dowliga ee kasoo qeyb galay carwadani ganacsiga somaliland Ee Mudada todobaadkaa ka socotay Guleid Hotel
Eng Cali Xoorxoor Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Ayaa mar uu u mahadnaqaayay rugta ganacsiga somaliland waxa uu yidhi : “Waxaan Si Weyn Ugu mahadnaqayaa Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Iyadu suurto galisay in layskugu yimaado carwadan,
Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Ayaa Ugu Danbayntii Balanqaaday In Dekad ahaan Ay La shaqeyn doonaan carwooyinka noocan oo kala ah si horumarka dalku uu usii kobco ,
Ugu Danbayntiina Waxaa Halkaasi Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay Maareeyaha Dekada magaalada berbera Eng Cali Cumar Maxamed Xoor Xoor Kaalinta Lama Huraankaa Ee Dekada Berbera ay ka qaatay Carwada Ganacsiga Somaliland .