Madaxwayne Siilaanyo Oo Safar Kedis Ah Ugu Baxaya Itoobiya

Hargeysa (berbernews) :- Madaxwaynaha Somalilad, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu Jimcaha Bari safar ugu baxayo Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
images (1)
Sida ilo-wareedyo xog-ogaal ahi sheegeen, Madaxwaynaha ayaa waxa diyaar khaas ah u soo diraysa dawladda Itoobiya, taasi oo isaga iyo weftiga u raacaya u qaadi doonto Magaalada Addis-ababa.
 
Ilaa hadda lama oga ujeedada safarkan deg-degga ah ee Madaxwaynuhu ku tagayo dalka Itoobiya, balse ilo wareedyada ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu dalka Itoobiya uga sii gudbayo dalka boqortooyada Ingiriiska, isaga oo safarka Ingiriiska ka dib soo mari doona dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.
 
Warka ayaa intaasi ku daraya in Madaxwaynuhu Magaalada Addis-ababa kula kulni doono Madaxda sare ee dalkaasi, gaar ahaan raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi.
 
Magaalada Addis-ababa ayaa waxa ku sugan weftiga Somaliland uga qayb-galaya wadahadallada Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirada Madaxtooyada, Arrimaha dibadda, Shaqada, Xoolaha iyo weliba Guddoomiye ku xigeenada Guurtida iyo Wakiilada oo uu weheliyo xildhibaan Golaha Wakiilada ka tirsan.
 
Berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland