Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Si Odaynimo Ah Uga Hadlay Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Xisbiga KULMIYE, Fariin culusna U Direy Garabyada Is-haya

Hargeysa(Berberanews)-:Odeyga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe),kana tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa markii ugu horeysay tallooyin-waayeelnimo fariin ugu direy garabyada Xisbiga KULMIYE ee  khilaafku soo kala dhexgalay, isla markaana kula-taliyey inay ka heshiiyaan waxay isku hayaan oo ay war-wanaagsan soo saaraan oo dadku ku farxaan.

 download (5)

Mar la weydiiyey Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) sida uu u arko  khilaafka soo kala dhexgalay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, oo dadka Siyaasiyiinta ahi ku sifeeyeen inuu qaadayo waddadii uu ku bur-burey Xisbigii UDUB. Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Waxaan leeyahay  Xisbiga KULMIYE, waa inay gartaan waxay hayaan halka uu joogo, wixii UDUB ku baaba,aday ha bilaabina, wixii dhexdiina ah ka daaya joornaalada, fadhi kuwada hadla, haday tahay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo haday tahay guddoomiyayaasha (Xisbiga KULMIYE), si macaan oo qaboow u wada-hadla,waa wax yar waxaad isku haysaane, kadaaya hasaawaha suuqa gallaaya.Waxaan idinkula-talinayaa (KULMIYE) waa inaad dib isugu noqotaan,hana kala duddina oo ha kala cadhoonina, waa Siyaasado nin-ba meel ayey iska tusaysaa, oo ha kala tagina, oo buuq ha gelinina oo idinku wadda-hadla, madax ayaad tihiin oo umadda oo dhan ayaa dhabarkiina saaran.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Oo Xisbiga (KULMIYE) iyo madaxdiisa ilaa Madaxweyne ilaa mijaha Xisbiga KULMIYE ayaa hogaankii ILAAHAY u dhiibay, sidii UDUB ha saydhinina, isku dul-qaata,wada-faqa, hadalka iskula noqnoqda, qaboojiya oo hadalkaasi suuqa ka biiya, oo hadalkii la maqlay hadal-wanaagsan ka daba-geeyo oo shirjaraaid oo aad u wada dhan tihiin soo saara .

 

Hadalkan ka soo yeedhay Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa ka danbeeyey, kadib markii Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu dhawaan ka dalbaday inay Guddida fulinta Xisbiga KULMIYE shir degdega isugu yimaadaan, hadalkaas oo uu ganafka ku dhuftay Guddoomiyaha kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana uu ku tilmaamay inuu baalmarsan-yahay sharciyada Xisbiga KULMIYE.

 

Ilaa imika kamuu hadal  madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) khilaafka soo shaac-baxaya eek a dhex aloosan Xisbiga KULMIYE.

berberanews-Desk

Hareaysa/Somaliland