Badhasaabkii Gobolka Togdheer Madaxweyne Silaanyo u gudbiyay is-casilaad Iyo Xoggo Hoose Ee Sababay Iscasilaada

Hargaysa-(berberanews)- Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaahi Cabdilaahi ayaa la cadeeyay in uu si rasmi ah iskaga casilay xilkii badhasaabnimo ee gobolka Togdheer.
Xamarje
Gudoomiye Xamarje, ayaa istiqaaladda is casilaadiisa la sheegay in uu saaka u gudbiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland Axmed Siilaanyo,intii aanu u dhoofin dalk Itoobiya.
Sida dhaba looma oga sababta wakhtigan uu badhasaabka gobolka Togdheer isku casilay Balse warar ku dhow dhaw badhasaabka waxay xaqiijiyeen in talaabadani la xidhiidho markii xubno ka midda Wasiiradda Xukuumadu faro galin joogto ah ku haya hawlaha maamulka ee gobolkiisa, lana sheegay inuu marar badan uga digay inay joojiyaan arrimahaasi Hase yeeshe ka dhago-adaygeen.
Xogo kale ayaa sheegay sababaha is casilaadda badhasaabka soo dedejiya wakhtigan qayb ka tahay markii uu si cad uga horyimi qorshayaal u cuntami waayey oo kooxo wasiirado ahi u soo jeediyeen Gudoomiyaha, kuwaaso la xusay inay ula muuqdeen badhasaabka kuwo nabadgalyadda gobolka wax u dhimaaya suurto galna ahayn.
Marka laga tago, xogaha ay xaqiijiyeen  dadka ku dhaw dhaw badhasaab Xamarje,ee is casilaadiisa , Balse ilaa hadda ma jiraan wax wara oo ka soo baxay Badhasaabka, ama qoraal ah oo loo gudbiyey warbaahinta, sidoo kale Xukuumadu wali kama hadal is casilaadan oo si wayn ugu faaftay gudaha iyo dibada dalka.
Badhasab Xamarje oo muddo ku dhaw sanad xilka gudoomiyanimadda gobolka hayay, ayaa wax qabado oo dhinacyadda Nabad galyadda, horumarinta Adeegyadda Bulshadda, ka qabtay degaanka gobolka togdheer, isla markaana si weyn iskugu soo dhaweeyay bulshadda togdheer.
berberanews-Desk
Hargeaysa/Somaliland