Golaha Deegaanka Hargeysa: Sannad Jir Aan Socod Baran! Qaybtii 2-aad

Hargeysa-(Berberanews):-Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sannad iyo maalmo ka hor la wareegay xilka, ka dib markii la soo doortay 28 November ee sannadkii 2012-kii, waxaan ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyey ee ay qaadeen inay korodhsadeen Mushahaarada ama waxa ay ugu yeedhaan Gunnada Xildhibaannada boqolkiiba konton in ka badan, taasoo fajac iyo amakaag ku noqotay badi dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Hargeysa.

ggg

Tallaabadan ay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Mushaharka ku korodhsadeen ayaa badi dadweynaha reer Hargeysa ku noqotay mid lama filaan ah oo ay su’aalo badan iska weydiiyeen, iyaga oo aan ka jawaabin hankie iyo himiladii ay ummaddu ku dooratay iyo weliba ballan-qaadyadii ay ku soo bandhigi jireen ololihii doorashada Golayaasha deegaanka waqtigii ay ku jireen, ballan-qaadyadaas oo waqtigan u muuqda kuwo badi beenoobay ama aan waxba ka hirgelin illaa hadda.

Halkan Riix Warbixinta