Nuxurka Kulan Addis-Ababa Ku Dhex Maray Weftiga Somaliland Ah Iyo Madaxwaynihii Hore Ee Nayjeeriya Obosango+ Sawirro

Adis Ababa (berbernews) War-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu faahfaahiyey kulan Magaalada Addis-ababa ku dhex maray Madaxwaynihii hore ee dalka Nayjeerya iyo Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Wadahadallada Soomaaliya, oo shalay halkaasi gaadhay.
Weftiga-1
War-saxaafadeedka, ayaa u dhignaa sidan “Waftiga Jamhuuriyada Somaliland  uga qayb-galayey wada hadalada dalka Somaliya oo ku sugan magaalada Addis-ababa xarunta dalka Ethiopia, oo maal-maha inagu soo aadan u amba bixi-doona dalka Turkiga, ayaa maanta magaalada Adis- ababa kulan, kula yeeshay madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango.
Waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha debadda Somaliland,  Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, waxa kulankaasi ku wehelinayay wasiirka madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana madaxweynihii hore ee dalka Nigeria uga xog warameen marxaladihii kala duwanaa ay Somaliland soo martay nabadaytii beelaha, dhismaha dowladnim iyo sababihii keenay in qarinameeda dib-u-lasoo noqoto Jamhuuriyada Somailand.
Biixi
Waftiga waxay sharaxaad mug leh ay ka siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango, guud bahaanba xaalada jamhuuriyada Somailand.  Heerarkii  nabadgalyo, dhismaha dowladnimo iyo dimoqraadi yada Somaliland ay ku talaabsatay oo ku dhisan dhidibo adag oo qawaaniin iyo sharci distoori ah ku qotanta
Waxa kaloo intaas ay ugu dareen xog waranka  ay siiyeen madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Obasango. In Somaliland   kaalin nabad-galyo oo muhiin ah kaga jirto gobolka geeska Afrika, oo dhibatooyin badan oo soo jiitamay oo mahadhi waaya ka jireen mudo dheer.
Xirsi-iyo-Biixi
Madaxwaynihii hore ee dalka Nigeria Mr. Obasango. oo horeba xog buuxda uga haystay xaalada Somaliland, waxa uu ku amaanay dowlada iyo shacabka Somaliland horumarka ay gaadhay iyo talaabooyinka ay qaaday oo  mudan iyo kuwo u noqonkara tusaale wanaagsan oo inay ku daydaan ay tahay wadamo badan oo ictiraaf haysta, waxaanu xusay Mr. Obasango. Muhiiimada iyo sida loogu baahan yahay in beesha caalamku barbar istaagto dadaalka ay wado dowlada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo
Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh labada dhinacba ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan”
Xirsi3
ALLAA MAHAD LEH
 
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.