Xasan Sheekh Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Loo Bixiyey Villa Hargeysa

Muqdisho (Berbernews) : -Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Soomaaliya, ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme laga hirgaliyey gudaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, taasi oo loogu talo-galay inay ku shaqeeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guddida joogtada ah ee Baarlamaanku.
Xasan-Skeeh-300x200
Munaasibadda xadhiga lagaga jaray dhismahan oo ay dhaqaalaha ku baxay ay bixisay dawladda Norway isla-markaana ay qalabaysay hay’adda UNDP, ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah dawladda Soomaaliya.
 
Dhismahan oo xafiisyo u noqon doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddida joogtada ah ayaa loogu Magac daray VILLA HARGEYSA, ayaa waxa hadal ka jeediyay Madaxwaynaha Soomaaliya, waxaanu sheegay in dhismahani anfaci doono guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Dhanka kale, ilaa hadda lama garanayo sababta xaruntan loogu Magac daray Hargeysa.
berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland