Xildhibaannada iyo Ganacsatada Ceerigaabo oo qaylo-dhaan ka muujiyey korodhka Cashuurta Badeecadaha baaqna u diray Madaxweynaha

Ceerigaabo-(berberanews)-Xildhibaannada Degaanka iyo Ganacsatada Ceerigaabo ayaa shir-jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Ceerigaabo waxay halkaas qaylo-dheer ka muujiyeen cashuurta xukuumadda Siilaanyo dhowaan ku kordhiyeen badeecadaha ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo Hakadka ku yimid Ganacsigii Ceerigaabo oo gaadiidkii keeni jirey istaageen.

Waxayna Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ugu baaqeen in ay arrinta soo gacan geliyaan si deg deg ah. “Sababta xannibtey safarrada ganacsiga Ceerigaabo dhawr iyo toban casho waa culayska kaga yimid dhinaca cashuurta oo ay u arkeen ganacsatadu inaanay isku bixin karayn nin awr dabadiis ka degey meel uga toommoon ayuu waayey waxannuna leenahay xadhig qalloocan iyo xamligayagiiba waannu sidnaa mana qaadi karaynee madaxweynaha iyo wasiirrada ku shaqada lihi hawsha hasoo gacan geliyeen”. Sidaas waxa yidhi ganacsade Xasan Doolaal.

Ceerigaabo

“Dad cashuur diid ah ma nihin intayada halkan joogtaana waa intii ka qayb qaadatay dhismaha waddada horena uga qayb qaadan jirtey horumainta gobolka waa dadkii nabadda dhinac taagnaa laakiin waxannu ka cabanynaa cashuur korodhka 100% oo annaga iyo bulshada kaleba noo cuntami weydey mana qaadi kao gobolkayagani waxannu leenahay wasiirka maaliyadda mar labaad iyo mar saddexaad annagu dad cashuur oggol baannu nahay laakiin cashuurta xaggaaga nagaga timid ee 100% ma qaadi karayno waxannuna kaa codsanaynaa inta waddadu nasoo gaadhayso inaad 30% kayagii hore noogu deyso”. “Annagu dekedda Berbera ee laamiga iyo laydhka leh lama mid nihine baabuurkayagu saddex cashuu soo socdaa maalinta 4-aad isagoo taayirrada iyo caqaayadduba qarxeen baannu fadhataysanaa”. Waxa sidaas isaguna yidhi Ganacsade-Calannle