Ariel Sharon oo geeriyooday

Israel-(Berberanews/bbc)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Israel, Ariel Sharon, ayaa geeriyooday. Wuxuu miyir doorsanaa siddeed sanno tan iyo 2006-dii, kadib markii uu ku dhacay qalal. Ariel Sharon ayaa ahaa 85 jir.

Waxaa lagu daawaynayay isbitaal ku yaala dibadda Tel Aviv. Warbixin ayaa goor dhow laga filayaa isbitaalka.

Ariel Sharon waxaa loo yaqaanay burburiye: Wuxuu noqday qof siyaasada Israel hogaamiya. Dad badan Israel u dhashay wuxuu u  ahaa geesi, isagoo hogaaminayay ololayaashii dagaalkii 1967 iyo 1973dii.

Laakiin falastiiniyiin badan wuxuu u ahaa dad qal, weerar ku qaaday magaalo madaxda Labnaan ee Beirut kasoo sababay xasuuq kumanaan qof oo rayad ah, ee xerooyinka qaxootiga ee Sabra iyo Shatila ee Labnaan 1982.

sharon

Wuxuu mar yiri “qofna iima sheegi karo in nabad loo baahan yahay, aniga ayaa ka mid ah dadka dagaalka ku jiro”. Waa run in Sharon uu ka dagaalamay shantii dagaal ee Israel.

Sharon wuxuu xooga saaray waqtiyadii danbe inaan laga soo baxo Qasa, iyadoo xisbigiisa ay ku diidanaayeen siyaasadan.

Wuxuu ku dhashay Sharon Valley 1928-dii dhulka falastiiniyiinta ee uu Britishka maamulayay.