Horumarka Saaxil kala mudan, Oodo dhacameedna siday u kala horreeyaan baa loo kala guraa

Berberanews-Markii aa dhageystay waxqadka Dawadda hoose ka wado gobolka saaxil gaar ahaan Berbera siday sheegeen madaxda degaanka iyo xogheyta dawladda hoose oo ay carab ku dhufteen mashaaricda hoos ku qoran

Corniche
Dhir lagu beero magaalada iyo meelo dadku maro loo sameeyo
Biyo mareeno
Wadooyinka la qurxiyo
Tourism laga sameeyo bataale iwm

Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa maamulka anigoo bogaadinaya horumarka ay wadaan in ay siiyaan mudnaan ta koowaad waxbarashada, caafimaadka , korontad iyo biyaha marka intaa laga dhergo ayaad samayn kartaa inta kor xusan oo ah horumar loo baahan yahay.


Hadaaan caafimaadka u noqdo anigoo jooga degmada Sheekh ayaa waxa dhacay shil baabuur oo ku socday aaskii macalinkii weynaa illaahay ha u nariistee Ibrahim Inertia(Physics &Maths) kana dhacay dubur, nasiib wanaag waxa la kumay oo wadada marayey Jamal Caydiid iyo wasiir ku xigeent difaaca Somaliland oo keenay dhakhtarka Sheekh, waxaan ka qeyb galay gargaarkii degdegaa ee loo sameynayey labadaa qof oo inantu ay lahayd uur, pressure, sugar –markii la qabtey wixii la qaban karayay ayaa la isu dhaafiyey Berbera hospital iyagu markii ay la tacaali kari waayeen waxay u gubiyeen Hargeysa.


Dhinaca waxbarashada aad bay u hooseysaa oo ma laha malamiin ku takhasusay madaadaha lagama maarmaanka ah sida Chemistry,Biology,physics, maths .School secondary Sheekh waa uu ka xidhmay ardaydii gobolka u dhalatey wax loogu badlayna ma jirto.dhinaca gudoomiyayaasha waxabrasha iyagu gobolku  ma aha niman khibrad badan eh oo horumar u keeni kara taasina waxay hakisay horumarka waxbarashada.

Korontada gaar ahaan xeebta Berbera waa in ay heshaa kaabis ka timaada xagga dawladda oo la helo koronto ku filan iyo qiimo jaban si aanay uga xaaga bixin dadku, biyahuna waa laga maarmaan in la kordhiyo beryahan dambe cabasho ayaa jirta.
Dadka u dhashay qurbo jooga iyo inta guduha ku jirtaba waxaan leeyahay gobolkiinii waa idin sugayaa ee gacmaha is qabsada oo ka shaqeeya dhinaca horumarka.
Maamulka degaankana waxaan leeyahay ma xuma in aad sacabka u tuntaan dawladdeena,anaguba waxaanay leenahay noolow noolow siilaanyo laakiin cadaalada ha la ogaado nina looga habran maayo haduu ka tago cadaaladda.(Rag cadaalad waayey sida cawsha kala yaac).
Oodo dhacameed siday u kala horeeyaan ayaa loo kala guraa.
A/razak Mahdi essa

Degmada Sheekh