Madaxweyne Silaanyo oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa, Kana hadlay wada hadalka Somaliland iyo Somalia

Harggeysa-(Berberanews)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo socdaal ugu kicitimay dalka Itoobiya, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo waxa garoonka diyaaradaha Addis Ababa ku soo dhaweeyeen masuul yihiin ka tirsan dawladda Itoobiya gaar ahaana wasaaradda arrimaha dibadda, kuwaas oo ku gelbiyey baabuur loogu talogalay oo lagu geeyey huteel la dejiyey.

Sidoo kale waxaa weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaasi ku soo dhaweeyay weftiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadalka Soomaaliya eek a dhici doona dalka Turkiga ee ku sugan magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in xukuumaddiisu masuuliyadi ka saaran tahay in ay wixii danta dalka ay ku jirto ay qabtaan, isla markaana aanay xisbiyada mucaaradku ku wehelin doonin wadahadalkan.

“Waxaan u ambo baxayaa wadanka itoobiya ee aynu walaalaha nahay oo aanu ka helnay marti qaad rasmi ah, halkaasi oo aan kula kulmi doono raysal wasaaraha dalka Itoobiya, dalka Itoobiya waxa inaga dhexeya xidhiidh dheer oo soo jireen ah, xagga iskaashiga nabadgelyada, Ganacsiga iyo isku socodka labada shacab, waxaanuna dawlad ahaan ku faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeya dawlada fadaraalka Itoobiya oo aynu jacelnahay in aynu sii xoojino,” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Hargeysa ka hor intii aannu u ambabixin magaalada Addis Ababa shalay.

Geesta kale, Madaxweyne Siillaanyo waxa uu soo dhaweyey, hambalyana u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland ee dhawaan la doortay, isaga oo sheegay in ka xukuumad ahaan ay rajeynayaan in uu xil weyn iska saaro Nabada Mandaqada.

“Sida laga wada warqabo maamulgoboleedka Puntland waxa ka dhacay isbedel siyaasadeed, oo ah dhinca hogaankiisa waanu soo dhaweynaynaa, isbedelka ku dhacay sida nabad gelayda ah, waxaanuna u hambalyeynaynaa madaxweynaha cusub ee Puntland ee la doortay, waxaanu rajeynayanaa in nabadgelayda uu xilweyn iska saaro waayo waxay muhiim u tahay bulshada,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweynaha Somaliland.