“Waxaan Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay qoraal aan kaga codsanayo inaan xilkii badhasaabka Togdheer iska casilay..” Xamarji

Hargeysa(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa markii u horraysay daboolkaka qaaday inuu iska casilay xilka, una gudbiyay Madaxweyne Axmed.

Axmed Cumar Xamarji oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu ka dhursugayo soo noqoshada Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu kicitimay debedda.

“Waxaan shalay Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay qoraal aan kaga codsanayo inaan xilkii badhasaabka Togdheer iska casilay, Madaxweynuhu safar ayuu u baxayay ILAAHAY ha soo nabad celiyee marka uu soo noqdo ayaan ka war sugayaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Xamarje

Badhasaab Xamarje waxa uu sheegay inuu isku casilay duruufo isaga u gaar ah oo uu tafaasiil ka bixin, waxase uu warbaahinta ugu baaqay inaanay qoraalkiisa istiqaaladda iyo sababaha keenay malo-awaalin.

Berberanews.com

Hargeysa, Office

info@berberanews.com