Dagaal beeleed sababay khasaare nafeed oo ka dhacay Gobolka Sool

SOOL(berbernews)Dagaal sababay dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex kale ayaa laba beelood ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Doclaha oo 45-km dhinaca galbeed kaga beegean magaalada Xuddun ee gobolka Sool.
images (11)
Dagaalkan oo billowday saaka ayaa ka wuxuu ka dhashay nin shalay lagu dilay deegaankaas, iyadoo isku habar-wacayo kaddib uu dhacay dagaalka khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah geystay.
 
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dgaalka uu yahay mid laba beelodo oo reer guuraa ah u dhexeeya, iyada oo maydadka dagaalka ku dhintay lab aka mid ah la geeyay magaalada Yagoori oo Laascaanood 52-km dhinaca Waqooyi kaga aaddan; halka magaalada Oog oo 110-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood la geeyay laba nin oo dhaawac ah.
 
Ciidamo kala duwan ayaa ka baxay magaalada Laascaanood iyo Xuddun si
ay isugu dayaan inay colaadaas u joojiyaan walow ay shacabka ku nool deegaanka Lafweyne oo wax yar u jirta goobta colaaddu ka aloosan tahay ay sheegayaan in dagaalku uu eg-yahay mid kusii baahay miyaga oo dadku is-dhex yaallaan.
Waxaa ay wararku ku darayaan in taliyaha boliska ee gobalka soo uu sheegay gacan ku dhiiglahii geystay dilka ninkii xalay lagu dilay boholaha .
 
Goobta dagaalku ka socdo oo aan is-gaadhsiin lahayn darteed waa adag tahay sida loo helo xaqiiqada dhabta ah wixii kasoo kordhana dib ayaan idin kula soo socodsiin doonaa.