Daraasad Iftiimisey Lawska In Uu Ka Qeybqaato Koreenka Lafaha ubadka

In badan oo hore ayaa waalidiinta lagula taliyey inay ubadkooda siiyaan caano badan iyo cuntooyinka kale ee ay ka buuxdo macdanta Calsium si caafimaadka lafahooduu fiicnaado, balse cilmi-baadhis khubaro caafimaad oo Maraykan ah ayaa iftiimiyey in lawsku muhiimad weyn u leeyahay korriinka lafaha carruurta yaryar.
Hooyo-Akhri-150x150
Daraasaddan oo lagu soo bandhigay kulan ururka dhakhaatiirta cudurrada carruurta ee dalka Maraykanku ku yeesheen magaalada Washington DC, waxa lagu sheegay in cuntada macdanta Magnesium ku badan tahay door muhiim ah ka ciyaarto korriinka lafaha.
Nafaqada badan waa furaha ubadka u horseedi kara inay lafahoodu noqdaan qaar caafimaad qaba, gaar ahaan cuntada Magnesium ku badan tahay. Calcium laf ahaanteedu waa muhiim, laakiin cilmi-baadhistayada waxa nooga soo baxday in Magnesium-ka ka faa?iido badan tahay.? Sidaa waxa yidhi Dr. Steven Abrams oo ah macallin cudurrada carruurta ku takhasusay oo wax ka dhiga Kulliyadda la yidhaa Baylor College oo ku taal magaalada Houston, daraasaddanna madax ka ahaa.
Hase ahaatee, khubaradu ma ay sheegin in cuntada Magnesiumtu ku badan tahay sida lawska u fiican tahay lafaha dadka waaweyn.
Dhakhaatiirta cilmi-baadhistan fuliyey waxay baadhitaan ku sameeyeen 63 carruur ah oo caafimaad qaba, da?dooduna u dhexayso 4 ilaa 8 jir, kuwaas oo laga ilaaliyey inay faytamiinno amma macdanon kale cunaan inta tijaabada lagu samayanayo, waxana muddo lagu hayey cusbitaal, iyadoo la cabbirayey xaddiga Calcium ah iyo Magnesium ee jidhkooda ku jira.
Cuntooyinkii muddada daraasaddu ku socotay la siinayey waxay ka koobnaayeen xaddiyo isku mid ah oo macdanaha Calcium iyo Magnesium ah, iyadoo kaadida laga qaadaayey muddo 72 saacadood ah.
Ugu dambayn, waxay cilmi-baadhistu ku soo ururtay in maadada Magnesium-ku aad u koriso awoodda iyo adayga lafaha carruurta, halka ay tilmaameen in Calsium aanay la mid ahayn oo ka awood yar tahay.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
berbernews.com