Madaxweynaha Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo is casiley

Central African (berbernews) Madaxweynihii kumeelgaarka ahaa ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Michle Djotodia ayaa ku dhawaaqey in uu xilka iska casiley. Madaxweynaha is casiley oo horey u ahaan jirey hoggaamiye fallaago ayaa ku guuleysan waayey in uu joojiyo rabshadaha ka taagan dalkiisa oo u dhexeeya kooxo diimo kala duwan aamibnsan.
15923952cfe7d050dc2_1-300x168
Waxaa cadaadis xoogleh saarey qaar kamid ah dalalka deriska lah in uu xilka iska casilo. Raysalwasaarihii dalkaas ayaa isaguna xilka iska casiley.
Djotodia ayaa talada Afrikada Dhexe la wareegey bishii Marso 2013 markii uu inqilabey Madaxweyne Francois Bozizé. Xaaladda dalkaas ayaa hal mar isu beddeshey mid fawdo ah, ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa qaxooti noqdey kuwaas oo ka baxsadey rabshadaha ka taagan dalkooda.
Lama yaqaano ilaa iminka qofka beddalaya madaxweynaha is casiley
Berbernews-Desk
Hargeaysa/Somaliland