Madaxweynaha Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Cadeeyay In Aanay Jirin Wax Ka Horjoogsanaya In Uu Iska Soo Sharaxo Xisbiga KULMIYE

Hargeaysa (berberanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii ugu horeysay cadeeyay in aanay jirin wax u diidaaya inuu iska soo sharaxo Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
IMG_0503
Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ka jawaabaayay su’aal  Ka mida su,aalihii ay warbaahinta ay ku weydiisay taas oo ahayd in hunguri kaga jiro inuu Xisbiga KULMIYE markale iska soo sharaxo, wuxuu ku jawaabay.
 
“Madaxweynihii Qaranka ayaan ahay, xubin kamid ah Xisbiga KULMIYE waan ahay, wax ii diidaaya inaan iska soo sharxo Xisbiga KULMIYE ma jirto”.
 
Hadalkan Madaxweynaha Somaliland uu diirka kaga qaaday in aanay jirin wax u diidaaya inuu markale iska soo sharaxo Xisbigii uu isagu aasaasay ee KULMIYE, ayaa ahayd su’aal dadku inta badan is waydiiyaan, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay ee uu arrintaas ka hadlo.
berberanews-Desk
Hargeaysa/Somaliland