Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Goor Dhaweyd Dalka Ku Soo Laabtay

Hargeysa(berbernews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safar gaaban oo uu ku tagay dalka Itoobiyasoo dhamaystay ayaa goor dhaweyd ku soo laabtay Dalka, kadib markii uu kulan la soo yeeshay Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Hiale Mariam Deselegn, kaasoo martiqaad u fidiyey Waxaana Loo Sameeyey Madaxweynaha Iyo Weftigiisa Soo Dhaweyn Balaadhan.
IMG_0079
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada ayaa iyana maanta u baxay safar dhinaca Dalka Imaaraadka ah, kaasoo la xidhiidha Heshiis ay la soo galayaan Shirkadda Diyaaradaha Al-carabiya.
IMG_0140
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed C/laahi Cumar ayaa wargeyska Jamhuuriya u sheegay safarkoodu inuu yahay Heshiis ay doonayaan in shirkadda Al-carabiya ku maal-gashato madaaradda, isagoo sheegay socdaalkoodu inuu daba socda mid ay hore Dalka ugu yimaadeen Wakiillo ka socday.
Safarka Imaaaraadka ay ku tagayaan labada Wasiir ayaa markiisii hore qorshuhu ahaa in uu kala qayb qaato Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, hase yeeshee wasiir Maxamed C/laahi waxa uu sheegay in uu Madaxweynuhu safari kale u baxayo, haddiise loo baahdo uu tagi doono Dalka Imaaraadka Carabta.
IMG_0168
Lama oga Heshiiska ay Somaliland iyo Al-carabiya wada galayaan nooca uu yahay iyo waxa ay Madaaradda ka qabanayaan toona, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro qorshe hoose oo ay ganacsato Reer Somaliland ahi ku doonayso iyada oo huwan shaadka shirkaddaasi in ay la wareegaan adeegyadda ay bixiso Shirkadda NASHA.
Halka ay wararka qaarkood sheegayaan in ay wataan kooxo Reer Galbeed ah oo doonaya in ay shirkaddani iskugu xidho Dalalka Imaaraadka iyo Afrikadda galbeed oo ay suuq ku hayaan isla markaana ay duulimaadyadooda ka kireeyeen.
IMG_0610
Si kasta ha ahaatee, talaabada Wasiirka Duulistu ku doonayo in uu Heshiis kula soo galo Imaaraadka shirkadad carbeed waxa uu la xidhiidhaa qorshaha uu shalay ku horgeeyey Golaha wakiiladda Xeer cusub oo uu ku madax banaanaynayo Madaaradda kaasoo uu Xildhibaanada ugu sharxay in ay albaabada inoo furi doonto isla markaana shirkaddo Caalami ah danayn doonaan isticmaalka madaaradeena.
berbernews-Desk
Hargeaysa/somaliland