AC Milan oo Shaqadii Ka Eriday Massimiliano Allegri

Kooxda AC Milan ayaa shaqada ka cedhisay tababaraheedii Massimiliano Allegri kaddib markii uu guul daro qasaare 4-3 ah uu  kala soo lnoqday habeen hore kooxda Sassuolo.
339337_heroa-540x374
War ay soo saartay kooxda Rossoneri ayaa lagu sheegay in shaqadii laga fadhiisiyay 46 jirkan Massimiliano Allegri oo kooxda ku hogaamiyay waayo aan wanaagsaneyn.
AC Milan ayaa imika ku jirta kaalinta 11aad ee kala sareynta horyaalka Serie A dalka Talyaaniga, waxana ay leedahay 22 dhibcood 19 ciyaarood oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan.
Mauro Tassotti oo kaaliya u ahaa macalinka imika la cedhiyay ayaa lagu waramayaa in uu shaqada sii wadi doono inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Silvia uu macalinka kooxda u magacaabayo midkood Pippo Inzaghi ama Clarence Seedorf.