Afhayeenkii UCID Iyo Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbigaasi Oo Iscasilay

Hargeysa (berbernews):–Afhayeenkii xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Muuse Ismaaciil (Qardhab) iyo Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Maroodi-jeex, Xariir Daahir, ayaa maanta ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay xisbigaasi u hayeen isla-markaana ka baxeen gabi ahaantiiba.

Labada Masuul ee xisbiga UCID, iska casilay oo ka mid ahaa xubnihii uu xisbigaasi ku soo daray Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inay xisbiga uga tageen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay tilmaameen inuu isku koobay masuuliyadda xisbiga “Waanu ka tagnay xisbigii aanu ku jirnay ee UCID” ayuu yidhi Afhayeenka iska casilay, waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu uga tagnay  Faysal Cali Waraabe  oo xilkii isku soo koobay”

 

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Xariir, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Waxaanu uga tagnay xisbigii aanu ku jirnay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID oo ahaa in ay Soomaaliya wadahadal  la galayaan”

berberanews-Desk

Hargeysa/somaliland