Ancelotti “Waxaan u baahanahay 100 dhibcood si aan ugu guuleysano La Liga”

Carlo Ancelotti ayaa ku fakaraya in uu ku guuleysto xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, waxana uu doonayaa in Real Madrid ay gaadho 100 dhibcood.
Ancelotti-540x402
Madrid ayaa ku dhawaatay labada koox ee ugu sareysa La Liga kaddib markii ay 1-0 ku suul daartay Espanyol xalay, laakiin Ancelotti ayaa rumeysan in Los Blancos in ay urrursan karto dhibco badan si ay uga kor marto Atletico Madrid iyo Barcelona.
“Ma aha caadi laakiin kani waa horyaalka Spain oo ay joogaan sadax koox oo quwad leh”. Soccerway ayaa sidaasi ka soo xigtay tababaraha reer Talayaani. “ Waxaan hore u nidhi waxaanu dooneynaa in aan helno 100 dhibcood waana sameyn doonaa”.
Atletico iyo Barcelona ayaa si fiican u ciyaaraya xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga iyaga oo isku heysta hogaaminta La liga, midkasta waxa uu leeyahay 50 dhibcood oo uu ka helay kulamadii laga ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan.
Pepe ayaa goolkiisii 3aad ee xilli ciyaareedkan uu dhaliyo Real Madrid ku siiyay guul ay si weyn ugu baahneyd taasi oo ay ku yeelatay 47 dhibcood waxana ay sidaa sadax dhibcood uga hooseysaa Barca iyo Atletico.