Kooxda ugu Fiican Aduunka oo Laga Waayay Ciyaartoy Ka Ciyaara Premier League

FIFA ayaa ku dhawaaqaday 11ka xidig ee loo aqoonsaday in ay ugu fiicnaayeen Aduunka oo dhan sanadkii idlaaday ee 2014ka, waxana ciyaartoyda 7 kamid ah ay ka socodeen kooxda Baryen Munich oo ku guuleysatay Champions League iyo kooxda Barcelona oo ay u ciyaaraan xidigo waa weyn.
1389635605972_lc_galleryImage__L_R_Barcelona_s_Brazilia1-540x378
Real Madrid ayaa waxaa matalayay labo xidig iyo PSG uu ka socdeen sidoo kale labo ciyaartoy, hase ahaatee waxaa madasha lagawaayay ciyaartoydii ka ciyaareysay Premier League.
Waxaa la saadaalinayay in lagu soo dari doono Van gool ama Rooney weerarka halka xidiga Arsenal ee Ozil laga rajeynayay in uu kamid noqdo dadka lasoo magacaabi doono.
Yaya Toure oo ku guuleystay laacibka Afrika ayaa si fiican ugu ciyaaray kooxda Manchester City laakiin sidoo kale laguma soo darin 11ka xidig ee FIFA ay soo magacaawday.
article-2538749-1AA321EA00000578-797_634x423-540x360