Mourinho Oo Sheegay In Mustaqbalkiisa Uu Ku Dhamaysanayo Chelsea

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in uu doonayo in shaqada uu ciyaaraha ka hayo uu ku dhamaysto kooxda Stamford Bridge.Waxana uu jecel yahay in aanu ka tegin Chelsea.
Hull-v-Chelsea-Jose-Mourinho_3064486
“Kama fekerayo in aan mar kale ka tago Chelsea sababtoo ah ma doonayo in aan mar kale meel u dhaqaaqo,”ayuu Mourinho u sheegay wargeyska Evening Standard.
 
“Waxaan ka tagayaa Chelsea oo qura haddii ay kooxda go’aankaa gaaho, halkan ayaan joogayaa Chelsea iyo anigu waan is leenahay.
 
“Wax badan ayay iga heleen Chelsea anigana wax badan baan siiyay waqtigii hore. Tan waa xidhiidh shaqo oo kala duwan.”
 
Mourinho shan sannadood ayuu ka maqnaa kooxda Galbeedka London,isagoo macalin u soo noqday waqtina la soo qaatay kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid.
 
Balse 50 jirkan ayaa hadda dareensan in waqtigiisii uu soo dhamaanayo wuxuuna qoyskiisa soo dejiyay London kadib markii uu dib ugu soo noqday koox uu hogaaminayay intii u dhexyesay 2004 iyo 2007.
 
Mourinho ayaa amaanay magaalada London iyo dadka ku nool waxana uu sheegay in ay tahay magaalada London uu iskuul katagi karo uuna carruurtiisa sugi karo sida waalidiinta kale.
 
“Waxaan isaga lugeyn karaa wadooyinka Sloane Street iyo Old Bond Street haddii uu qof rabshad aan kala kulmo ma ahan qof English ah waana hubaa taas, waxaan aadi karaa baararka, waxaan kireysan karaa taxi haddii uu wadaha taksigana uu yahay qof taageeraya Arsenal ama Tottenham wuu ila sheekeystaa taasna kama dhici karto Italy iyo Spain.”ayuu yidhi tababare Mourinho.