Ronaldo Oo Markiilabaad ku guuleystay Xidiga aduunka

Mashiinka Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Xidiga Ugu Wanaagsan Dunida ee Fifa Ballon d’Or Xaflad heer sare aheyd oo lagu agaasimay hoyga FIFA ee Zurich dalka Switzerland waxaana xidigan reer Portugal uu ku guuleystay markiisii labaad taariikhda.
article-2538773-1AA3235E00000578-940_634x423-540x360
2008 Ayaa aheyd markiisii ugu horeysay uu ku guuleystay isagoo ku sugan Premier League gaar ahaan koxda Man United waana markiisii labaad ayuuna noqday xidiga aduunka 2013.
Ronaldo ayaa garaacay Lionel Messi iyo Franck Ribery kuwaas oo kula tartamayay Abaalmarintan Waxaana uu noqday Xidiga Ugu Wanaagsan Dunida.
Si Kastaba Ronaldo ayaa noqonaya xidigii ugu horeeyay ee reer Portugal ah oo abaalmarintaan ku guuleysta laba jeer isagoo ka sara maray Luis Figo oo heysta hal jeer abaalmarintaan.