Samir Nasri Oo Shaaciyay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo

Ciyaaryahanka Manchester City Samir Nasri ayaa la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo sideed todobaad ah ka dib markii bareelo looga saaray garoonka kulankii ay daraad Man City 2-0 kaga badisay Newcastle.
Ancelotti-540x402
Xiddiga reer France ayaa warkan ku shaaciyay bogiisa Twitter: “Qof walba waad ku mahadsantihiin ereyadiina naxariista ah iyo taageeradiina, waxaan filayaa inay tahay war wanaagsan inuu maqnaanayo ku dhawaad sideed itodobaad.”
 
Nasri ayaana ereyga war wanaagsan adeegsaday sababtoo ah waxaa laga baqayay in dhaawaciisa uu noqdo mid halis ah oo uu ku seego Koobka Adduunka, laakiin sideed todobaad oo labo bilood.
 
Dhaawaca Nasri ayaana yimid ka dib qalad ka yimid Mapou Yanga-Mbiwa, waxaana tababare Pellegrini uu qirtay ciyaarta ka dib in dhaawaca uu u muuqday mid halis ah islamarkaana ay aheyd in difaaca Newcastle casaan lagu siiyo qaladkaas.