Taliyaha Milateriga Masar oo u Tartami Doona Kursiga Madaxweynaha Hadii Codsi uga Yimaaddo Shacabka

Masa r(berberanews)Taliyaha Milateriga dalka Masar Gen. Abdel Fattah Al-Sisi ayaa sheegay in uu u tartami doono kurisiga madaxtinimada wadankaas haddii dadweynaha ay ka codsadaan iyo weliba milateriga ay taageeraan.
masar-300x168
Isagoo la hadlayay warbaahinta qaar kamid ah ayuu sheegay in muhiimada koowaad tahay in lagu taageero arrintaas deetana uu isku sharixi doono xilka.
Warar dhowaan soo baxayay waxay sheegaayeen in Taliyaha uu daneynaayo in uu xilka iskusoo taago tan iyo markii laga tuuray Madaxweynihii sida dimooqraadiga lagu soo doortay Morsi.
‘’Haddii aan tartamaayo waa in aan codsi ka hela dadweynaha iyo ogolaansho dhinaca Milateriga. Waxaan ku shaqeynaaya dimooqraadiyad’’, ayuu yidhi.
Doorashada madaxtinimada Masar ayaa la filaaya in ay dhacdo inta lagu guda jiro sanadkaan, waxaana si weyn uga soo horjeeda inbadan shacabka Masar.
Gen.Sisi ayaa si weyn ugu lug lahaa in xilka laga tuuro Madaxweyne Morsi isagoo hogaaminayay Ciidankii la wareegay madaxtooyada.
berberanews-Desk
Hargeaysa/Somaliland