Ciidamada Dowlada Koonfurta Suudaan oo La Wareegay Caasimada Gobolka Shidaalka Qaniga Ku Ah+Daawo Video

South sudan (berberanews) Ciidamada Milatariga dalka Konfurta Sudan ayaa ku guulaystay in ay dib mar kale gacanta dawlada ugu soo celiyaan, caasimadda gobolka Midowga Niil ee Banti, taas oo ka mid ah goobaha shidaalka ugu badan laga soo saaro.

south-sudan1

Magaaladan oo ah mid istaaraatiji ah, waxa ay ciidamadu ku qabsadeen dagaal laba todobaad ka socday kadib, waxaanay u galeen gudaha, laakiin dhamaan magaalada oo dhan way sii gubeen mucaaridku markii ay ka baxayeen, waxaanay sii bililiqaysteen bangiyadii iyo suuqyadii ganacsi, waxaanay xaalada ka jirta magaaladaasi walaac ku dhalisay dadka ka rajada qaba in colaada konfurta Sudan deg deg loo soo afjaro.

berberanews-Desk

H/somaliland